Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaannada laga soo doortay Puntland

30

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf iyo xog-wareysi isugu jira hoygiisa kula yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi ee u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogagga degaanka, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), iyadoo ugu dambeyn si wanaagsan la isugu afgartay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli weli uu jira, isla markaana wax heshiis ah aan laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya iyo Madaxda dowlad Goboleedka Puntland.