“Ma jiro wax wada xaajood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Arrintii muranka badda waxay ku dhammaatay maxkamadda, wax ka soo noqoshana ma leh. Kiiskaas waa la xidhay oo si wanaagsan ayuu u dhamaaday.” Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya.” Cali Cumar Balcad, ayaa sidaas ku sheegay mar uu ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka maxkamadda ICJ ku tilmaantay guul ka dhalatay dadaalkeeda aan kala go’a lahayn ee ay ka qaadatay muranka Kenya ay galisay badda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay inay socdaan wada-hadallo, iyadoo uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay hadalka Madaxweyne Ruto, ayaa beenisay in uu jiro wadahadallo ay Kenya kala yeelaneyso xuduudka badda ee maxkamadda ICJ go’aanka ka gaartay.
Inkastoo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ay go’aan rasmi ah ka soo saartay dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayaa haddana waxaa Soomaaliya ka dhashay walaac ku saabsan ujeedka dhabta ah ee Madaxweyne Geelle.
Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowladda Kenya, Willian Ruto, hadalkaas oo ku saabsanaa jiritaanka wadahadal u dhaxeeya labada dowladood oo ku saabsan muranka badda.