Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

45
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo geystay khasaare kala duwan oo ka dhacay deegaanka Wargaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ay Xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaadeen Saldhiga deegaanka wargaduud ku leeyihiin ciidanka dowladda kenya, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weerarkaas ayaa la sheegay iney ku dhinteen 5 ruux oo 4 ka mid ah ahayeen askarta ciidanka Booliiska dalka Kenya, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa baahisay in weerarka deegaanka Wargaduud uu ahaa kii ugu cuslaa oo ay kooxda ka fuliso waayahaan dambe gudaha dalka Kenya.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sidoo kale lagu baahiyay in dagaal yahanada Al-shabaab ay burburiyeen saldhiga Booliiska Wargaduud iyo hal gaari oo nuuca dagaalka, islamarkaana mid kale ay qabsadeen.

Waxaa sidoo kale weerarka lagu burburiyay xarun Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay deegaanka Wargaduud ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay saraakiisha ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku aadan weerarka Xalay ka dhacay deegaanka Wargaduud oo Al-shabaab ay guusha ka sheegatay.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maanta Al-shabaab dib looga saaray deegaanka Gerileey ee gobolka Gedo oo ay Shalay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan kooxda, waxaana xusid mudan in deegaanka Gerileey bishii lasoo dhaafay dhamaadkeedii ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ay soo faarujiyeen.