(SAWIRRO)Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jubaland ooMagaalada Baardheere kula kulmey Bulshada qeybaheeda kala duwan.

48

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa Booqasho shaqo ku yimid Wasiirka Arimaha gudaha Dowlad Goboleed jubaland,Maxamed Cabdi Oogle,waxaan si diiran ugu soo dhaweeyey degmada Mas,uuiyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo,Maamulka degmada Baardheere,Saraakiisha Ciidamada,Ururka Haweenka iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland,G/ku xigeenka Gobolka Gedo iyo Gudoomiyaha Baardheere ayaa isla maantaba waxay si wadajir ah u dhagax dhigeen dhismo lagu kordhinayo Isbitaalka degmada Baardheere oo ay maal gelinayaan Hay”adda Qatar Charity.

kulan soo dhaweyn ah oo xarunta degmada loogu sameeyey wasiirka Arimaha ayaa ugu horeen aaa waxaa ka Hadley G.ku xigeenka Gobolka Gedo sheikh Maxamed Xuseen Alqaadi iyo Maxamed Weli Yusuf Qorax waxayna ka hadleen Xaalada Nolosha deegaanka iyo baahida loo qabo mashaariic laga hergeliyo degmada.

Gebagebadii kulanka waxaa ka Hadley Maxamed Cabdi oogle oo ah Wasiirka Arimaha gudaha Jubaland oo bogadiyey soo dhoweynta loogu sameeyey,isagoona sheegay maal maha soo socda in degmada Baardheere ay imaan doonaan Wasiiro ka tirsan Jubaland,kuwaasi oo dhagax dhiigi doono Mashaariic cusub oo degmada ahmiyad u leh.