Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in dab xoogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur Hantiyadeed uu ka kacay Xarun ganacsi oo lagu Magacaabo Fadhisamo oo halkaasi kutaalla.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dabka uu ku bilowday qarax laga maqlay gudaha xaruntan ganacsi, waxaana dabka ku baaba’ay inta badan Hantidii taallay Xarunta Ganacsi, wallow markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabka.
Gaadiidka dab demiska iyo inta badan bulshada magaalada Boosaaso oo tegay goobta uu dabka ka kacay ayaa ku guuleystay demintiisa, wallow Xarumo kale oo ku dhegan uu ku fiday, waxaana qaar kamid ah Ganacsatada Xarntaas ay Warbaahinta u sheegeen inay hanta farabadan ka gubatay.
Ciidanka xoogga Puntland ee PSF ayaa tegay sidoo kale xarunta Ganacsiga Fadhisame Boosaaso ee uu dabka ka kacay , iyaga oo qayb ka ahaa ciidamada sugayay Ammaanka intii ay socotay deminta dabka.
Waa Xaruntii labaad ee uu ka kaco dab khasaaro geysta oo kutaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari, waxaana qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland ay sheegeen in burburin lagu haayo ganacsiga degaannada Puntland.