(SAWIRRO) Maamulka Degmada Baardheere oo sheegay inay si buuxda ula shaqeynayaan Dowlad Goboleedka Jubaland

38

Ka dib Kulan balaaran oo Maanta oo jimco ah  ay isugu yimaadeen Dhamaan Xubnaha Maamulka degmada Baardheere,Saraakiisha Laamaha Amaanka degmada iyo Ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa looga wada Hadley Xaalada kala wareega degmada iyo jihada cusub ee Gobolka Gedo u  saldhigtey oo ah Maamul Goboleedka Jubaland.

Maxamed Weli Yuusf Oorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere ayaa sheegay inuu si buuxda ugu shaqeyn doono midnimmada iyo wadajirka Bulshada deegaana,isagoona cadeeyey inuu si buuxda ula shaqeyn doono Maamulka Gobolka Gedo ay u magacawdey Jubaland.

Guudoomiyaha ayaa sheegay go,aankan inuu qaatey ,ka dib markii xariiro ay dhaxmareen Madaxweynaha Jubaland,ku xigeenkiisa,wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Cusub ee Gobolka Gedo  ayna kuwada hadleen siddii wada shaqeynta loo xoojn lahaa.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka ahna Xoghayaha Gobolka ,islamarkaana wakiil Jubaland ugu ahaa wadahadalada ayaa soo dhaweeyey go,aanka masiiriga ah ee ay wada qaateen,waxuuna cadeeyey Alqaadi inta laga dhisayo Golayaal degmo shaqooynka ay sii wadi doonaan Maamulada degmooyinka Gobolk