Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka gollaha wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya, oo lagu ansixiyay Xeerka Nidaamiyaha habraaca Iibka degdeg ah.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay sida ay Xukuumadda Dan-qaran uga go,an tahay la dagaalanka Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, loogana hortagayo dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha, in Dowladda ay ku guuleystay in awoodii Ciidan, midii dhaqaale iyo midii fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee howlgalkii ay sameysay Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deynta Cafinta iyo Canshuur dhaafka, wax soo saarka Dalka (GDP) 2022, iyo hannaanka Deeqaha Caalamiga ah ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya.