Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay sababta cunaqabateynta hubka u saaran tahay Somalia

8

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sababta keentay in Soomaaliya muddo ka badan 30 sano ay u saaran tahay cunaqabateynta dhinaca hubka ah, isla markaana aan weli looga qaadin.

Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayay Boqolaal kamid ah Mas’uuliyiinta dowladda iyo Shacab oo uu la dukaday Salaada Ciida Carafo ayaa sheegay in sababta cunaqabateynta loo saaray Soomaaliya ay tahay markii Beel beel leysku dilay, welina dhibaatadaas ay taagan tahay.

“31-sano ka hor anagoo qabiil qabiil isku dileyno aya cunqabatayn hubka ah nala saaray, maantana inagoo isla qabiilkii isku dileyna ayaan rabnaa in nalaga qaado ayuu yiri” Madaxweynaha.