Golaha amamanka oo muddo lix bilood ah dib u dhigay bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya

7

Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey qaraar lix bilood ah oo lagu kordhinayo illaa bisha December ee soo socota xilliga hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Golaha ammaanka ayaa sheegay in muddadaas lixda bilood ah lagu taageerayo diyaarinta qorshaha dawladda Soomaaliya ee wejiga labaad iyo dhimista ciidamada hawlgalka ATMIS.

Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sii wado la shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo la-hawlgalayaasha kale, si ay si tartiib tartiib ah ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga ATMIS.

Goluhu wuxuu ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika inay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31ka Agoosto, si loo qiimeeyo wejiga koowaad ee dhimista ATMIS,  halka 15ka Sebtembar loo  diyaargaroobayo wejiga labaad iyo in dowladda Soomaaliya usoo bandhigto Golaha warbixin cusub 30ka Noofambar, taasoo ku saabsan horumarka laga gaaray hirgelinta qaab dhismeedka amniga qaranka oo dib loo eegay

Ku xigeenka ergayga joogtada ah ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Raabi Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay dib u cusboonaysiinta howlgalka ATMIS-ka, isagoo xusay in howlgallada Soomaaliya ay hormuudka ka tahay ay ka dhasheen khasaare xooggan iyo dhul ballaaran oo Al-shabaab laga gaaray.

“Dowladda waxaa ka go’an in ay si buuxda mas’uuliyadda ammaanka ugala wareegto ATMIS waqtiyada lagu heshiiyey, iyada oo qorsheynta iyo hirgelinta dhimista la fulinayo iyadoo lala kaashanayo guddiga farsamada ee wadajirka ah,” ayuu yiri ku xigeenka ergayga Soomaaliya ee UN.

Waxa uu xusay in wejigii koowaad ee dhimista 2,000 oo Askari oo ATMIS ah uu heer gabo gabo ah marayo, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyana ay qaadanayaan mas’uuliyadda 4 xarumood oo ay horay ATMS uga howlgali jirtay.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in qeyb ka mid ah cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku tahay awoodda ay dowladdu u leedahay inay si ku filan u hesho ciidankeeda amniga si ay uga hortagto khatarta soo korortay ee al-Shabaab – taas oo u ogolaan karta inay dib isu abaabulaan. Isagoo ku celceliyay baaqii Dowladiisa ee ahaa in si deg deg ah cunaqabateynta looga qaado Soomaaliya.