Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenadiisa koowaad iyo labaad ayaa maanta si wadajir ah u shir Gudoomiyay Fadhigaa 5aad kalfadhiga 52aad ee Golaha Wakiilada Puntland .
Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinaya wax- bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka.
Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane oo ka tirsaan xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland.
Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiilada Puntland wax ka bedelka dastuurka , waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.