Shir u Dhaxeeya Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Kismaayo Ka Furmaya

10

Waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo dhaxeeya Wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo  dowlad goboleedyada dalka, iyadoo goordhow Kismaayo uu gaaray wasiir Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdi uu hoggaaminaayo.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay wasaatadda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo daadajin lahaa dib u eshiisiinta qaran, taas oo ay wasaaraddu ku dhawaaaqday, shirka ayaa lagu wadaa inuu furo wasiirka arrimaha gudaha Federalka.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta.