Gudoomiye Cali Jeyte oo sheegay in Gobolka Hiiraan uu isaga baxay Maamulka Hirshabeelle

56

Gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan  maanta wixii ka dambeeya uu isaga  baxay Hirshabeelle.

“ Gudomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in  laga bilaabo maanta uu  gobolka Hiiraan isaga baxay maamulka Hirshabeelle, sidoo kalena  waxa uu ku baaqay shir weyne lagu  dhisayo maamul uu ku sheegay Magaciisa Hiiraan state”.

Warkaan ka soo baxay Guddoomiyahii Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaawaxaa uu ku soo aadaya xilii  Dekareeto xaalay ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu Xilka uga qaaday Cali Jeyte taas oo xiisad dhalisay.

Hase’ahaatee ‘ Xilka  qaadita lagu sameeyay Cali Jeyte ayaa laga cabsi qabaa in khilaaf ka dhaliso Gobolka Hiiraan oo aameeyn ku yeeshay Gobolkaas.