Dagaal ka dhacay duleedka Laas-Caanood iyo faah faahin kasoo baxeysa

50

Warar dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal kooban oo xalay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la magac baxay SSC.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo xiisad dagaal ayaa fiidkii hore laga dareemayay Goobaha ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee duleedka Magaalada Laas-Caanood, balse markii dambe ay dagaalameen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in muddo ka badan 30 daqiiqo uu dagaalka ku dhexmaray duleedka Magaalada Laas-Caanood Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka, balse aysan weli ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay id degan, balse markasta la filan karo dagaal maadaama dhinacyadu ay weli is hor-fadhiyaan.