Boob loo geystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan

12
Maleeshiyaad hubeysan ayaa bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee  Suudaan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee dalkaas Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa qoraal uu ka soo saaray arrintaan wuxuu ku yiri, “Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Safiirka ayaa sheegay in la qaatay  gawaaridii Safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan maaleeshiyaad hubeysan oo uu sheegay in aysan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha diplomasiyiinta caalamka.

Bishii hore ayay ahayd markii la jabsaday safaaradda Soomaaliya ee Khartoum, iyadoo halkaas lagala baxay hal gaadiid oo dad shacab ah ay lahaayeen iyo agab kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dadkeeda uga daad guraysay dalka Suudaan oo ay dagaalo ahliya ka socdaan.  Waxay ciidamada ku dagaalamaya Khartoum ku dhaleecaysay inay ku fashilmeen ilaalinta dadka rayidka.