Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii maqaayad kutaalla Xeebta liido

9

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay soo afjareen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanku ay toogteen dhammaan raggii weerarka soo qaaday.

Inta uu socday hawlgalka ciidamada ammaanka waxa ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen shacab farabadan oo goobta ku sugnaa.

Ilaa iyo hadda faah faahin rasmi ah lagama helin khasaaraha dhimasho iyo midk dhaawac ee ka dhashay weerarka, hayeeshee laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay faah faahin ka bixiyaan.