Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalka lubnaan.
Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan iyo Xil Maxamed Cabdiraxman ( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey ilaalinta bulshada sinaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada Beruit.
ugu dambeen wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya ugu go,an tahay Siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga Dalka, iyo Dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo dhamaadka Sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.