Madaxda ATMIS iyo Saraakiil kale oo booqday Askartii ku dhaawacantay weerarkii Buulo-Mareer

50

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawlgalka ATMIS, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, oo uu weheliyo Ku-simaha Safiirka Uganda ee Somalia, Maj. Gen. (Rtd.) Nathan Mugisha, iyo Taliyaha Ciiddanka ATMIS, Lt. Gen. Sam. Okiding ayaa Isbitaalka ku booqday askar ku dhaawacantay weerarkii dhawaan lagu qaaday Saldhigga Ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Xaaladooda ayaa soo hagaagaysa,. Waxaan fursadan uga faa’ideysaneynaa inaan muujino dareenkeena iyo wadajirkeena, sidoo kalena aan uga tacsiyeyno dowladda iyo shacabka Uganda dadkii ku dhintay usbuucii hore,” ayuu yiri danjire Souef.

Saraakiisha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda soo kabasho ee askarta waxaa warbixin ka siiyay taliyaha qeybta labaad ee isbitaalka Lt. Col. Dr. Godfrey Ssemakula Ngobya. Dadkii u baahnaa daryeel gaar ah ayaa horey diyaarad loogu qaaday isbitaallo ka baxsan Soomaaliya.

Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Gen. Nathan Mugisha, ayaa xusay in ciidamada Uganda ay ku adkeysanayaan go’aankooda ah inay sii wadaan howlgalladooda kadib weerarkii lagu qaaday saldhigooda.

“Waxaan gacanta ku haynaa xaaladda, dib-u-qiimeynta, iyo u socoshada sidii loo qorsheeyay. Dhacdadu nagama jeedin doonto. Waxaan sii wadi doonnaa geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya, annagoo taageernayna Dowladda Federaalka, Ciidanka Xoogga Dalka, iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale, iyo isbeddel,” ayuu yiri Maj. Gen.Mugisha.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhawaan sheegay in weerarkii Buulo-mareer looga dilay 54 Askari, iyada oo Al-Shabaab dhankooda sheegeen inay ku dileen weerarkaas 137 Askari oo kamid ah ciidamada Uganda.