Madax ka qeyb galeysa Calaamo-saarka Madaxweynaha Turkiga oo kusii qul quleysa dalkaas

7

Madaxweynaha dalka Bangladesh,  Maxamed Shahaabudiin ayaa ku wajahan Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara,  si uu Axadda uga qeyb galo Munaasabadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha La-doortay ee dalkaasi,  Rajab Dayib Erdoğan.

Madaxa Warfaafinta ee Madaxtinimada dalka Bangladesh,  waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu booqasho 6 maalmood ah ku joogi doono dalka Turkiga, isagoo Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxweyne Erdoğan.

Bishan June 4-da oo ku beegan Maalinta Axadda ee soo socota ayaa Madaxweyne Erdoğan lagu Caleema-saari doonaa Dhismaha Xarunta Madaxtooyada ee Canakay Palace ee magaalladda Ankara.

Dhanka kale, Madaxweynayaal, Ra’isul-wasaarayaal iyo Hoggaamiyayaal Dowladeed ayaa la filayaa inay  ka qeyb geli doonaan Munaasabadda Caleema-saarka  Madaxweyne Erdoğan oo la shaaciyey inay dhici doonto Maalinta Axadda ee soo socota,  Abaarihii 5-ta galabnimo ee xilliga dalka Türkiye.