Howlgalka ATMIS oo sheegay inay jawaab ka bixiyeen weerarkii Buulo-Mareer

14

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaysteen in ay ka daba tagaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Magaalada Buulo Mareer.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada huwanta ah ay cagta mariyeen tiro aad u badan oo Al-Shabaab ka mid ah, sidoo kalena ka soo furteen hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer.

โ€œATMIS waxa weli ka goโ€™an la dagaalanka Al-Shabaab, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya ayaa lagu yiriโ€ Qoraalka ATMIS.

Howlgalka Midogw Afrika ee ATMIS ayaan weli sheegin khasaaraha kasoo gaaray weerarkii dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Uganda ku lahaayeen Magaalada Buulo-Mareer, hayeeshee kaliya ay sheegeen inay iska difaaceen.

Warkaan kasoo baxay howlgalka ATMIS ee lagu sheegay inay ka jawaabeen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab ayaa kusoo aadayaa xilli Ciidamo katirsan ATMIS ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Magaalada Buulo-Mareer iyo degaanka Mudul-baraawe, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gobolka Shabeellaha Hoose meelo badan oo kamid ah ayaa waxaa ku sugan Ciidamo katirsan ATMIS oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab, halka dhankooda howlgallo xoogan ay fuliyaan.