Madaxweynaha Uganda oo qiray in Askar badan looga dilay Weerarkii Buulo Mareer

56

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ee Al-Shabaab ay ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Madaxweynaha Uganda ma uusan sheegin tirada askarta kaga dhimatay ama kaga dhaawacantay balse waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo qirto khasaaraha ka soo gaaray weerarkaas ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Musaveni ayaa sheegay intii uu socday weerarka “Qaar ka mid ah askartii halkaasi ku sugneyd ayaa sidii la filayey aysan ula iman wax-qabad iyo iyagoo argagaxay, taas oo keentay in ay kala cararaan, Al-Shabaabna ay taas ka faa’iideysteen in ay jabiyaan saldhigga oo ay burburiyeen qalabkii yaallay.

Sida ay qortay Reuters,ragga weerarka geystay ayaa tiradooda lagu sheegay 800, waxaana intii uu socday weerarka lagu khasbay ciidamada Uganda inay dib ugu laabtaan saldhig u dhow oo qiyaastii sagaal KM u jira.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Uganda ay la kulmeen jab weyn, isla markaana qaarkood maxaabiis ahaan loo qabtay, balse xogtan si madax banaan looma xaqiijin