Puntland oo soo saartay Amar lagu soo xirayo Afar Siyaasi

11

Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Puntlaand ayaa shaaciyay magacyada Xubno siyaasiyiin ah oo lagu Eedeeyay in ay ku lug leeyihiin khal khal gelinta Amniga Caasimada Garowe  ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawlad Goboleedka Puntland Axmed Yuusuf Taaraan ayaa  sheegay in waaran soo xerid ah loo jaray dhammaan Eedeysanayaasha kala ah.

  1. Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Ergayga ganacsiga iyo arrimaha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Soomaaliya
  2. Xasan Shire Abgaal Wasiirkii hore Maaliyadda Puntland
  3. Maxamuud Warsame Faarax Shiddo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland
  4. Maxamed Jaamac Faarax

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa Amar ku bixiyay in la soo qabto Eedeysanayaasha si Maxkamad loo soo taago looguna qaado dambiga ay galeen ee la xiriira khal khal gelinta Amniga Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Magaalada Garowe  ayaa waxaa kataagan khilaaf siyaasadeed ee u Dhexeya Madaxweyne Deni  iyo siyaasiyiintaa Mucaraadka Puntland oo ka soo horjeeda in doorasho qof iyo cod laagu qabto degaanadda Puntland sidoo kalena wax laga bedelo Dastuurka Puntland.