Madaxweynaha Somaliland oo Isbitaallada ku booqday Askarta ku dhaawacantay dagaalka Laas-Caanood

6

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxaa u kormeeray Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka Ciidamada, isagoo u kuurgalay xaaladda caafimaad Ciidamada ku soo dhaawacmay dagaalka ka socda duleedka Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa  mid mid u dul istaagay una gacan qaaday ciidamada soo dhaawacmay, isaga oo ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, isla markaana dhankooda ay u hurayaan wax walba oo la xiriira daryeelkooda caafimaad.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa Isbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Ugu dambeyn  Madaxwaynaha waxa uu ku bogaadiyay sida fiican ee bahda Caafimaadka uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Isbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa.