Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay ururka Maaliyadda Afrika

6

Ururka Maaliyadda Afrika, oo ah shirkad bixisa xallinta kaabayaasha qaaradda, ayaa sheegtay inay Soomaaliya kamid noqotay xubnaheeda, iyadoo ku biirtay Benin, Botswana iyo Congo oo xubin cusub ka noqday shirkadan.

Ururka Maaliyadda Afrika (AFC), wuxuu sheegay in ku biirista xubinimada Botswana iyo Soomaaliya ay horumariso waajibaadka AFC iyada oo siinaya dhawrsanaan iyo xasaanad diblomaasiyadeed si waafaqsan maqaamka dhinacyada badan leh ee ururka.

“Waxay awood u siinaysaa AFC inay abaabusho raasamaal caalami ah si ay ugala shaqeyso maaliyadda gudaha si loo helo kaabayaal waara oo la taaban karo iyo horumarinta warshadaha ee dalalka xubnaha ka ah. AFC waxay hadda ku naaloonaysaa taageerada xubnaha saddex-meelood meel ee dalalka Afrika, oo leh wadar ahaan 40 xubnood oo madax-bannaan,” ayaa lagu yiri bayan ururka kasoo baxay.

Dr. Cilmi M. Nuur, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa yiri: “Iyadoo ay Soomaaliya sii waddo dib-u-dhiska iyo koboca, xubinnimadeena Ururka Maaliyadda Afrika waxa ay door muhiim ah ka qaadan doonaa sidii loo heli lahaa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay si loo horumariyo qarankeena.”ayuu yiri wasiirku.

Ururka Maaliyadda Afrika waa Hay’ad Maaliyadeed oo horumarineed oo dhinacyo badan leh oo Afrikaan ah oo la aasaasay 2007-dii. Waxaa sameeyay dawlado madax-bannaan oo Afrikaan ah si ay u bixiso xalal dhab ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha Afrika iyo jawiga shaqada ee adag.