Doorasho ka billaabatay waddanka Turkiga

8

Turkiga ayaa maanta waxaa ka billaabatay u codeynta , doorashada ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, si ay go’aan uga gaaraan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wajahayo loolankii siyaasadeed ee ugu weynaa intii uu xukunka hayay, waxaana la xaqiijiyay in in ka badan 64 milyan oo qof oo xaqa u leh ay codkooda dhiiban doonaan.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-kii.

Caalamka gaar ahaan dadyowga Islaamka ayaa isha ku haya doorashada Maanta ka billaabatay dalka turkiga, iyaga oo taageerada ugu badan siinaya Recep Tayyip Erdogan oo muddo badan maamulaya dalkaasi turkiga.