Beeraleyda Baardheere oo faah faahiyay Khasaaraha ka dhashey Fatahaadii Webigga Jubba uu ka geeystay Baardheere(SAWIRRO)

48

Ku dhowaad ilaa 3500 qoys  oo noloshooda ay ku tiirsaneed wax soo saarka beeraha ayaa waxaa saameeyay Daadadka Roobka iyo fatahaad uu webiga Jubba sameeyey dabayaaqadii bishii hore ee sanadkan.

Illaa iyo 2550 Beerood oo ku teedsanaa afaafka webiga Jubba kuna kala yaallay  61 tuulo oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayay sameeyay fatahaadii Wabiga, sida ay noo xaqiijiyeen guddiga iskaashatada Beeraleyda degmada Baardheere.

Gudiga Beeraleyda ayaa dhinaca kale waxay codsi baaq ah u jediyeen DF,Jubaland,hay,adaha iyo Jaaliydaha dibada inay gacan ka geysteen siddii loo caawin lahaa Beeraleyda deegaanka oo khasaaro xoogan ay soo gaareen

Dalagyada ay ka mid ahayeen Mooska,Bocorka,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisin oo ay beeraleyda abuurteen bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan ,ayna Qorsheynayeen inay goostaan horaanta bisha 5aad ee sanadkan  ayaa gabi ahaanba fatahadii Wabiga Jubba uu sameyay ku baaba’ay.

Qaarka mid ah Beeraleyda Waraabka degmada Baardheere ee khasaaraha uu soo gaarey ayaa ka warbixiyey dareenkooda iyo dhibatooyinka soo gaarey,waxayna sheegeen kumanaan lacagta Dolarka in ay ku maal geliyeen Beeraha waraabka Sanadkan

Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 123,kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $975 kun oo dolar.