Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowladda Ingiriiska u sheegtay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in colaada Laascaanood xal nabadeed lagu dhameeyo, iyo in doorashooyinka la qabto.
Madaxweynaha oo kulan fogaan arag ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell, ayaa ku wargaliyay in Somaliland diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaadho xaalada Laascaanood, lakiin laga saaro ciidamo beeleedka gurmadka u yimid.
Madaxweynaha ayaa sidookale Mitchell u shegay in xukuumadiisu ay diyaarisay kharashkii kaga bixi lahaa doorashada isla markaana ay diyaar u tahay in ay qabato doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.
Hoos ka dheeho warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-
