Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay Midowga Afrika in aanu xamili karin la tacaalidda arrimaha Afrika kaddib muddo ka badan 60 sano oo uu jiray.
Willian, Ruto, oo xilka madaxtinimada qabtay Sebtembar 2022, ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uusan awoodin xitaa lacag dhan 85 milyan oo dollar oo loo uruurinayey dib u dhiska Soomaaliya.
“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka AU. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85M. Waa waalli. Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano ka dib xornimadooda, ma maamuli karaan $85M oo lagu taageero Soomaaliya? ayuu yiri Ruto.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku baaqay isbedel qaab dhismeedka Midowga Afrika si ay si madax banaan ula tacaalaan caqabadaha qaarada.
“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa ku daray Willian Ruto.
Hogaamiyeyaasha gobolka ayaa horraantii todobaadkan ku kulmay Kampala, halkaas oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga Afrika, si uu u taageero kor u qaadida awoodda amniga ee Soomaaliya ee mustaqbalka fog.