Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay magaalada garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaabka ay u wajahday colaadda ka oogan magaalada Laascaanood.
Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd colaadda ka jirta magaalada Laascaanood, isla markaana aysan u dhaqmin inay tahay dowlad Soomaaliyeed ee dalkaan maamusha.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay SSC in aysan ka mid ahayn Somaliland, islamarkaana aan qasab iyo xoog lagu maamuli karin. Wuxuu sidoo kale sheegay magacaabidda ergayga ay tahay waqti lumis aan waxba kusoo kordhindooni xaaladda.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli aan weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haaya arrimo la xiriira awoodda Dastuuriga ah ee dalka.