Madaxweynaha Jubbaland oo 5 Sano kadib la heshiiyay Itoobiya lana kulmay Madax katirsan dalkaas

45

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe)  ayaa socdaalkii u horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay oo khilaaf xooggan soo kala dhex galay, kaddib isku daygii Ciidamada Kumaandooska Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtana Agosto 2019.

Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeeyeen isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya, waxaa uu maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shidde, Madaxweynaha dowlad Deegaanka Mustafa Cagjar iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Itoobiya, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howlgalada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee bilaabanaya deegaanada Jubbaland oo horay maamul ahaan ka saluugsanaayeen qaabka howlgaladaas loo bilaabayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay aad u dhaliilsanaa dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo diidi jiray tallaabo kasta oo qaada taas oo keentay in ay is khilaafaan dowladda Itoobiya oo saaxiib la aheyd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.