Wareysi.Suldaan Maxamed Weli oo ka mid ah Odoyaasha Baardheere oo si kulul uga Hadley Dhibaatada ka taagan Laas caanood

56

Qaar ka mid Odoyaasha ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen dhibaatada ka taagan degmada Laas caanood ee Gobolka Sool,halkaasi oo bilahii la soo dhaafey dagaalo sababay dhimasho,Dhaawac,Barakac iyo bur bur hantiyeed ay ka dhaceen.

Suldaan Maxamed Weli Khaliif Axmed oo ka mid ah Odoyaasha degmada Baardheere  ayaa wareysi uu siiyey Radio Markabley,waxuu wax laga xumaado uu  ku tilmaamay waxa ka socda magaalada Laas caanood ee ay geysanayaan Ciidamada Somaliland inaan marnaba la aqbali Karin.

Suldan Maxamed Weli ayaa ka digey sii socoshada dagaalada ka socda Magaalada Laas canood iyo nawaaxigeeda,waxii dhib ah ee ka dhacay ay mas,uul ka yahiin Maamulka Somali land,isagoo sheegayna sida ay ula dhaqmayaan dadka shacabka ah Maamulka Somaliland in ay yahiin kuwa marnaba la aqbali Karin,waxuu ugu baaqey Maamulkaasi inay joojiyaan dhiiga ku daadanayo Laas canood.

Wariayaheen Axmed Cumar Saalixi oo warysi dheer la yeeshay Suldaan Maxamed Weli ayaa ugu horeen waxaa uu weydiiyey waxa xilligan uu ka cabanayo?

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA SULDAN MAXAMED WELI