Dowaladda Soomaaliya oo muwaaddiniintii ugu horreeysay kasoo daadgureysay Suudaan

35

Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daadgureeyay dalka Suudaan maanta ka soo dajisay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa laga soo daadgureeyay Xadka Sudaan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan Magaalada Buluja.

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday Dalka Koofurta Suudaan.

Diinaari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan.

Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kasoo daadgureeyneyso dalka Suudaan oo meelo kamid ah markale uu dagaal ka billowday.