Weerar geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

45

Wararka naga soo gaaraya degaanka Madax-Maroodi ee kuyaalla deegaan dhaca Galbeedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hal Ruux ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday halka mid kalena uu dhaawacmay kaddib markii  dableey hubeeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dadkaas oo la sheegay inay ahaayeen Xoolo dhaqato.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo dhowr jeer kusoo laab laabtay degaano katirsan Gobolada Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Madax-Maroodi ayaa sheegaya in  xiisad dagaal ay hadda ka taagan deegaanka, taas oo salka ku heeysa weerarka, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal beeleed uu deegaankaasi ka qarxo.

Werarkaan geystay khasaaraa isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ayaa kusoo aadaya xilli Gobolka Hiiraan uu ka taagan yahay muran ka dhashay khilaaf maaliyadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, kaas oo hakin kara howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.