Xubno isugu jira Xildhibano iyo Maamulka Baardheere oo ka deyriyey Baaxada khasaaraha ka dhashey Dhibaatadii ka dhacdey deegaanka

29

Xubno isugu jira Xildhibaano iyo Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere ayaa ka Hadley baxada iyo khasaaraha ka dhashey Goobo ay ka mid yahiin Togga weyn ee magaalada ,Suuqyada  iyo Xaafadahii uu saameeyey  Daadadka Roobabkii cuslaa ee ka da,ay deegaanka dabayaaqadii bishii hore oo ay ku barakaceen ila 15 kun oo qoys, waxayna wal wal xoogan ay ka muujiyeen Xaaladaha taagan iyo Baahida loo qabo siddii looga gaashaman lahaa Musiibo hor lleh  oo ka dhacda Deegaanka.

Xildhibanad Faadumo Faarax Aden oo ka tirsan Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo Booqatey goobahii Togga ee 13 ruux ay ku dhinteen iyo xaafadahii laga barakacay ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga qaban lahaa goobaha Togga ee Biyo mareenada,,waxayna Codsi Baaq u jeedisey Dowlad Goboleedka Jubaland iyo DF ee Soomaaliya, in ay gacan ka geystaan siddi wax looga qaban lahaa dhibaatada taagan.

Sidoo kale Buraale Ibraahin Xaaji oo ah Xoghayaha D/Hoose ee dgmada Baardheere ayaa sheegay in ay bilaabeen siddii meelaha biyo fadhiisiga wadooyinka iyo Togga weyn wax looga qaban lahaa,isagoo sheegayna si looga feejignaado dhibaatadii dhacdey mid la mid ah in loo baahan yahay Taageero ka timaada dadka deegaanka,hay,adaha Samafalka, DF iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

Xildhibaan Faadumo ayaa ku amaantey mas,uuliyiinta Maamulada degmooyinka Luuq iyo Baladxaawo oo kaalmo lacageed dhowaan soo gaarsiiyey ehalada dadkii ku dhintey Daadadka iyo Qaar ka mid ah qoysaskii ku barakacay .

Si kastaba ha ahatee Roobab culus oo daadad ku soo Rogay  qaar ka mid ah Xaafadaha Baadheere dabayaaqada bishii hore ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho,Dhaawac,Barakac iyo Bur bur hantiyeed ,iyadoo welina ay da,ayaan Roobabka ayaa waxaan weli suurta gelin in kumanaan Qoys ay guryahooda dib ugu laabtaan.