Wareysi.Dr.Liibaan Diinax oo ka warbixiyey Qaliinada ay sameeyan iyo Doorkooda Wacyi gelinta Fatahaadii ka dhacdey Baardheere.

56

Dr.Liibaan Diinax oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka howl gasha Isbitaalka Gedo General Hospital ee degmada Baardheere ayaa wareysi r uu siiyey Warbaahinta Markabley ayuu kaga warbixiyey Adeegyada Caafimaad ee ay u qabtaan Bukaanada kale gedisan ee soo Booqda Isbitalka,kuwasi oo uu sheegay Qaliinadii lagu sameeyey in lagu guuleystey.

Dr.Liibaan ayaa waxaa uu intaasi ku darey Isbitaalka oo furan Muddo oo bilo ah in ay ka haqab tireen dhamaan Waxii adeegyo ee loo qabanayey Bukaanada kale duwan ee soo gaara Isbitaalka,kuwaasi oo uu sheegay in ay ka kala imanayaan Magaalada Baardheere iyo deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J.Dhexe.

Mar aan wax ka weydiinay maadama Degmada Baardheere ay ka dhacdey dhowaan Fatahaad sameysay Nolosha dadka iyo deegaanka,waxa ay kaga qeyb qaateen haddii ay yahiin Isbitaalka Gedo General Hosbital ayaa waxaa uu tilmamay kalintooda inay ahayd Wacyi gelin balaaran oo ay u sameyeen bulshada si looga hortago khatarta ka dhalan karta cudurada faafa sida Daadadka ku soo rogmadey Xaafadaha iyo waxyeelada burburka Musqulada iyo wasaqda.

 

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA DR.LIIBAAN DIINAX