IGAD oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Suudaan

8

Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya dalka Suudaan.

Madaxweyne William Ruto ayaa ka codsaday madaxda IGAD in ay mowqif adag ka qaataan dhibaatada jirta si loo soo celiyo nabadda dalka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay kulan dhanka Internetka ah oo uu la yeeshay Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kaasoo looga hadlayay ammaanka sii xumaanaya ee dalka Sudan.

 

Kulanka deg degga ah waxaa ku sugnaa Madaxweynayaasha Salva Kiir (South Sudan), Yoweri Museveni (Uganda), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti) iyo Xasan Sheekh Maxamuud (Soomaaliya).

Hogaamiyayaasha ayaa ugu baaqay golaha ku meel gaarka ah General Abdel Fattah al-Burhan iyo General Mohamed Hamdan dagaalka in ay joojiyaan ayna ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka.

IGAD waxay go’aansatay inay u dirto Madaxweyne Kiir, Madaxweyne Ruto iyo Madaxweyne Geelle wakhtiga ugu macquulsan si ay u heshiiyaan kooxaha isku haya.

Waxay sheegeen in xasiloonida Suudaan ay fure u tahay wanaagga bulsho iyo dhaqaale ee gobolka.

Colaadda, ayay raaciyeen, in ay wiiqayso horumarradii nabadeed ee la gaaray afartii bilood ee la soo dhaafay.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ka codsaday labada kooxood in ay bixiyaan marin nabdoon oo gargaar bini’aadantinimo lagu gaarsiinayo Khartoum iyo magaalooyinka kale ee ay dhibaatadu saameysey.