Guddoomiyaha hay’adda SODMA oo gaaray magaalada Xudur

77

Wafdi uu hugaaminayo Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta Gaaray Magaalada Xudur ee Caasimada Gobolka Bakool oo uu dhawaan ka da’ay Roob xoogan oo dhamaan xiray isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga qeybo kamid ah Xafadaha Magaaladaas taas oo sameen ku yeelatay dadka dantayar ee ku nool halkaas.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Maamulka Xudur iyo golaha deegaanka Magalaadas.

Gudoomiyaha oo halkaas gaarsiiyey diyaaraad wada shixnad mucaawino ah oo dhan 7-tan ayaa u kuur galay saameenta xafadaha uu biyaha Roobka kala xiray isaga oo dadka deegaanka oo xafadahooda biyaha dhex jifan mid mid u tulgay kana wareestay xaaladaha ay haaatan wajahayaan.