Golaha Wasiirada oo Shir ka yeeshay dilalka lagu haayo Darawalada Mooto Bajaajta

74

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha  Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan Al-Shabaab  fursad ugu helin inay dhibaato geystaan.

Todobadyo ka hor ayay aheyd markii Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dilal loo geystay Darawalo Mooto Bajaaj, iyada oo dilalkaas ay geysanayeen Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.