Axmed Karaash oo war cusub ka soo saaray xaaladda magaalada Laascaanood

48

xmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland oo jeediyay khudbad ku aadan bilashada bisha Ramadaan ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa marka hore farriin u diray ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan Laascaanood, wuxuuna ugu baaqay inay adkeeyaan amniga magaalada, si looga hortago falal amni darro oo ka dhaca halkaasi, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Karaash ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga Laascaanood, maadaama weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale, Karaash ayaa ka hadlay xaaladda qoysaska Soomaaliyeed ee isaga barakacay dagaalka u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka, wuxuuna sheegay in shacab badan ay ku dhibaateysan yihiin qaybo ka mid ah gobolka Sool.

Axmed Karaash ayaa sidoo kale ku baaqay in loo gurmado shacabka reer Laascaanood, maadaama la galay bisha barakeysan ee Ramadaan, isla-markaana ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, kaas oo saameynta ugu badan ku yeeshay dadka shacab ah oo ay soo gaartay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac.