Ra’iisul Wasaare Xamse oo amray in si huufan loo maamulo Adeega Xajka

37

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kula kulmay xarunta Wasaaradda Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Shiikh Mukhtaar Roobow Cali, Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka, waxa uuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.