Galmudug oo war ka soo saartay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood

59

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ee Galmudug, Cadceed Sheekh oo u warramay Idaacadda Shabelle, ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, gaar ahaan saameynta ay dadka shacabka ah ku yeeshaan dagaallada u dhexeeya ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Cadceed ayaa ku baaqay in loo gurmado qoysaska ka barakacay colaadda Laascaanood oo haatan ku dhibaateysan qaybo ka mid ah isla gobolka Sool.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in sida loogu istaagay shacabka Turkiga, iyagana loo caawiyo reer Laascaacood, ayada oo loogu gurmanayo qof iyo qoys.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray, ganacsatada iyo culimada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inatmt qaaraan doorka kaga aadan arrinta Laascaanood.

Si-kastaba, dagaalka ka socda magaalada Laascaaood oo billowday bishii la soo dhaafay ayaa sababay dhimashada 200 oo u badnaa shacab, halka dhaawacana lagu sheegay 1,000 qof, kuwaasi oo qaarkood la geeyay isbitaallada Magaalada Garoowe, halka kuwa kalena lagu soo daabulay Magaalada Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

waxaana sidoo kale Magaalada Laascaanood isaga barakacay dad lagu qiyaasay 200,000 kuwaasi oo 100,000 oo ka mid ah ay ka talaabeen xadka dalka Itoobiya.