Home Wararka Maanta Ciidamo hor leh oo gaaray Laas-Caanood & dagaal laga cabsi qabo

Ciidamo hor leh oo gaaray Laas-Caanood & dagaal laga cabsi qabo

30

Waxaa saacadihii la soo dhaafay Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo duleedkeeda gaaray Ciidamo aad u farabadan oo doonaya inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee ka socda duleedka Magaaladaas.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hub cul culus ayaa ka kala yimid degaano iyo degmooyin ka kala tirsan Gobolada Sool iyo Bari, waana kuwo hab Beeleed u abaabulan, isla markaana doonaya inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka socda duleedka Magaalada Laas-Caanood.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay inay garab istaag u muujiyaan Shacabka Gobolada, Sool , Sanaag iyo Ceyn, sigaar ah Shacabka Magaalada Laas-Caanood oo iska difaacaya Ciidamada Somaliland.

In kastoo xaalada Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada ku dhow dhow ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa laga cabsi qabaa inay dhinacyadu markale dagaalamaan maadaama ay weli isku hor-fadhiyaan Goobihii lagu dagaalamay.

Somaliland ayaa dhowr jeer ku cel celisay inay duulaan kusoo qaadeen Ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Puntland, halka xoogagga SSC ay dhankooda sheegayaan inay iska difaacayaan weerar uga yimid dhinaca Ciidamada Somaliland.