Madaxweynaha HirShabelle oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

85

Madaxweynaha dowlad goboleed HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegtooyin uu soo saaray.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee maamulkaasi, isaga oo jagadaas u magacaabay Faarax Cumar Cilmi Daahir.

Sidoo kale waxaa xilka qaadis lagu sameeyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi oo kamid noqonaya golaha wasiirada ee HirShabelle.

“Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, wuuna saxiixay”. ayaa markale lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe

Si kastaba Madaxweynaha HirShabelle ayaa dhowr jeer hore isbeddal badan ku sameeyay golihiisa wasiirada, taas oo ugu wacan khilaafaadka hareeyay maamulkaasi.