Faah faahin: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

49

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Via-roma ee magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta  u sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxad ah oo yaalla agagaarka Isgoyska Via-roma, sidaasina uu ku qarxay, balse uusan saarneyn darawalkii Gaariga.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacantay Haweeneey saarneyd Mooto Bajaaj oo wadada mareysay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay tegay Ciidamo katirsan kuwa dowladda, kuwaas oo muddo hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.