Akhriso:- Sharuudaha laga rabo Shirkadaha u tartamaya adeega Xujeeyda Sanadkaan ee la shaaciyay

55

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali ayaa soo saaray shuruuradaha laga rabo shirkadaha Diyaaradaha ee  daneynaya u tartamida adeega Xujeyda Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa sheegay in laga bilaabo Maanta oo Khamiis ay u furan tahay shirkadaha doonaya iney u tartamaan adeega Xajka ee sanadkaan, islamarkaana tartanka uu ku eg yahay maalinta Axada ah ee soo socota oo ay Taariiqdu tahay 12-ka bishaan Maarso 2023.

Shirkadaha doonaya iney u tartamaan u adeegida Xujeeyda Soomaaliyeed ayay guddiga hor dhigeen iney soo buuxiyaan sharuudo dhowr iyo toban qodob ka kooban oo ay ugu horeyso in Milkiilayaasha shirkaddaha ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.