Qoraal ay siwadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd Shariif Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo Cabduqaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.