Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray dagaalka Laascaanood

73

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowaladiisa ay wado dedaallo lagu joojinayo dagaalka iyo duqeymaha ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Isagoo wareysi siinayay muuqaal-baahiyaha Al Jazeera, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in xalka uu yahay midnimo, balse wuxuu si cad u diiday in midnimadaasi lagu raadiyo dagaal iyo dhiig la daadiyo.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in ay wadeen dedaallo marka hore lagu joojinayo dagaalka si buu yiri kadib loo bilaabo wada-hadal nabadeed oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Magaalada Laascaaanood.

Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay bishii la soo dhaafay kadib markii hogaanka dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay ku dhawaaqeen ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale, taasi oo macnaheedu tahay in aysan dooneyn ku hoos-noolaanshaha Maamulka Somaliland.

Go’aanka hoggaanka dhaqan kadib waxaa xigay dagaal iyo duqeymo loo joogteeyay magaalada Laascaanood, waxaana goobaha la duqeeyay ka mid ahaa guryo shacab iyo xarumo caafimaad.

Bil kadib, Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in 80 ruux oo u badnaa Shacab in ay ku dhinteen rabshadaha Laascaanood, balse dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada ayaa soo warriyay in 200 oo qof lagu dilay dagaalka iyo duqeymaha xarunta Gobolka Sool.

Dhaawaca ayay ku sheegen in uu kor u dhaafayo 1,000 qof, kuwaasi oo qaarkood la geeyay isbitaallo ku yaalla Magaalada Garoowe, halka kuwa kalena loo soo daabulay Magaalada Muqdisho, si loola tacaallo xaaladooda caafimaad.

Muddada halka bilood ee uu dagaalka ka socday Magaalada Laascaanood waxaa ka barakacay 200,000, kuwaasi oo 100 kun ka mid ah ay ka tallaabeen xadka dalka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hay’adda UNHCR oo arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Hay’adda ayaa dalbatay in si degdeg ah loo caawiyo qoysaska Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararay Magaalada Laascaanood.