Somaliland oo sheegtay inay ka warheleen in ay weerar kusoo yihiin Ciidamada Puntland

48

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegtay inay heshay xog ku saabsan in Ciidamada kala duwan ee Maamulka Puntland ay weerar kusoo yihiin Ciidamadooda ku sugan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxaa lagu yiri”
Xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Difaaca Somaliland waxay jeceshahay inan ogeysiiso beesha caalamka,  dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay in aanu helnay sirdoon lagu kalsoonaan karo taasoo muujineysa in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay ku jiraan PSF iyo Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan Ciidanka Somaliland maalmaha soo socda.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in ay si dhab ah u qaadanayso khatartaas oo dhan

talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo dadka iyo deegaanada Somaliland.

“Maamulka Puntland wuxuu doortay in uu cadaawad intaas le’eg ka qaado
Somaliland. Waxaan rabnaa in aan cadeyno, si kastaba ha ahaatee, in aynaan ka laaban doonin ama isu dhiibin gardarro kasta. Nafteena iyo dadkeenaba waanu difaaci doonaa dhamaanteen ayaa sidoo kale lagu yiri” Qoraalka.

” Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn laguna taageerayo xaqa ay  Somaliland u leedahay difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa mas’uuliyadeeda qaadan doona Maamulka Puntland lagulana xisaabtamayo falalkooda.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo aad u dheer ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay rajaynayaan in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafaadka ayna dib u eegi doonaan mawqifkooda.

“Somaliland waxa ay weli ku taagan tahay nabad ku wada-noolaanshaha iyo wadashaqeynta dhammaan jaarkayaga, laakiin kama waaban doono inaan difaacno muwaadiniintayada,dhul, iyo madax bannaani marka loo baahdo.