Ciidan ka madax-banaan ATMIS oo ku soo wajahan Soomaaliya

36

Ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kana madax-banaan howlgalka kumeel-gaarka ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa ku soo wajahan dalka Soomaaliya.

Ciidankan oo lagu wado in muddo seddeed asbuuc gudahooda ay ku yimaadaan dalka ayaa qeyb ka noqon doona wajiga labaad howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab oo dhowaan ka bilaabanaya dalka, sida uu sheegay Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

La-Taliye Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in Dowladdaha dariska la ah Soomaaliya ay soo dirayaan ciidamo ka madax-banaan howlgalka ATMIS, base wuxuu ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada guud ee ciidanka ku soo wajahan Soomaaliya.

Wuxuu xusay in ciidanka la filayo in soo gaaraan Soomaaliya, ay si toos ah ula howlgalli doonaan Ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka ku jira Ururka Al Shabaab.

Idaacadda Shabelle ayaa oggaatay in howlgallada la doonayo in ciidankan ay ku biiraan ay ka dhici doonaan degaannada Jubbooyinka, halkaasi oo ay weli ku xoogan yihiin Ururka Al Shabaab.

Howlgalladan ayaa sidoo kale noqon doona mid ay hogaamiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay shaqsiga go’aansaday in la qaado dagaal Al Shabaab looga xorreynayo degaannada ay ka maamullaand dalka.

Bishii la soo dhaafay, Magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay shir madaxeed oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itooobiya, waxaana qodobadii laga soo saaray shirkaasi ka mid ahaa in dalalka la isku yiraahdo safka-hore ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Mar la weydiiyay Xuseen Sheekh Cali, waxa keenay in hakad uu ku yimaado howlgalladii ka socday dalka, ayaa wuxuu sheegay Dowladda Federaalka ay soo gebo-gebeyneyso wajiga kowaad howlgalladii dhowaan laga sameeyay dalka, islamarkaana ay wado qorshaha wajiga labaad.