Dagaal markale ka dhacay Magaalada Laas-Caanod & madaafiic lagu garaacay Magaalada

38

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka markale duleedka Magaalada uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Xalay ayaa waxaa siweyn duleedka Magaalada Laas-Caanood looga dareemay dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo hub aruursi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaas weli laga maqlayo duleedka Magaalada Laas-Caanood.

Ciidamada Somaliland ayaa waxaa ay madaafiic ku garacaayaan Xaafadaha Magaalada Laas-Caanood, iyada oo madaaficda qaar ay ku dhaceen Guryo dad shacab ah ay ka barakacen iyo Goobo Ganacsi.

Dagaalka Todobaadkii Saddexaad ka socda Magaalada Laas-Caanood ayaa waxaa walaac xoogan ka muujisay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield.

Linda Thomas-Greenfield waxay si gaar ah u iftiimisay duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah, waxayna ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, lana ilaaliyo dadka