Al-Shabaab oo weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ku yaalla Afmadow

47

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee gobolkaasi.

Madaafiicda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen gudaha saldhigga iyo agagaarkiisa, waxaana kadib xigay rasaas ay iyaguna fureen ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax khasaare ah aysan geysan hoobiyeyaasha, qaarkood ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Daraawiishta Jubbaland ay haatan howlgallo ka wadaan degmada Afmadow iyo nawaaxigeeda.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kadib markii Jubbaland halkaas ka billowday guluf dagaal oo ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab.